Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo dhiirigelin ugu tegay ciidamada XDS iyo Daraawiishta Jubbaland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo dhiirigelin ugu tegay ciidamada XDS iyo Daraawiishta Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Darawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada Bir-jeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buulo-Xaaji, halkaas oo Maalinkii isniinta ahayd ee 22-Luulyo-2024 ay ka fuliyeen howlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 135 Khawaariij ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyay Ciidamada geesiyada ah guusha ay ka gaareen dagaalkaas, isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Waxaa Mudane Axmed Madoobe uu intaas ku daray in cadowgu uu tabar yaryahay loona baahan yahay in la is raaciyo, iyadoo wax badan laga bartay dhagartiisa, hadda kadibna Soomaali oo dhan ay aragtay in laga adkaan karo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilad geesinimo guddoonsiiyey Gaashanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed Taliyaha guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubbaland , Gaashaanle Sare Bashiir Guhaad Xasan abaanduulaha guutada Birjeex iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec.

Sidoo Kale Mudane Axmed Madoobe ayaa min hal darajo dalacsiiyay dhammaan Ciidamada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee dhagta dhiiga u daray Khawaariijta banaysatay dhiiga ummada Soomaaliyeed.

Ciidamada ayuu ku booriyay in loo baahan yahay dadaalkii hore mid ka badan iyo naf hurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa Khawaariijta.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Guddoomiyay kulanka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo tacsi ugu tegay Qoyska Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo tacsi ugu tegay Qoyska Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo tacsi ugu tegay Qoyska Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In