Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku guddoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubbaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.
Shirka waxaa madaxweynaha kala qeyb galay guddi gaar ah oo loo magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso wasaaradda arrimaha gudaha.
Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala guddaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka dowladda Jubbaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubbaland ay ka kooban tahay.