Friday, December 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madaxweynaha Jubbaland oo ka tacsiyeeyay geerida cayaartooyda qaraxa lala eegtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo ka tacsiyeeyay geerida cayaartooyda qaraxa lala eegtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa bahda cayaaataha Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyadeeyay falkii argagixisanimo ee lala eegtay baska ay saarnaayeen ciyaartooyda Kooxda JCCI.

“Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubbaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex ka mid ah ciyaartooyda kooxda, qaar kalana ay ku dhaawacmeen. Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhallinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah”. Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Related posts

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka go’antahay inay beegsadaan qof walba, iyagoo si bareer ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo dadka u ah indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii argagixisada Al-Shabaab looga adkaan lahaa, isla markaana loo badbaadin lahaa inta hartay Bulshadeenna.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida cayaartooydii ku shahiiday qaraxii magaalada Kismaayo

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo Jubbaland uga tacsiyadeeyay falkii lagu qarxiyay ciyaartooyda Kooxda JCCI

Next Post
Madaxweyne Qoor-qoor oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Garoowe

Madaxweynaha Galmudug oo Jubbaland uga tacsiyadeeyay falkii lagu qarxiyay ciyaartooyda Kooxda JCCI

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

December 5, 2025
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa kulan dhiirigalin ah...

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

December 4, 2025
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In