Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudaneย H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay lahayeen golaha wasiirada Dowlada Jubaland.
Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.
Golaha Wasiirada ayaa dhankooda Madaxweynaha Warbixin ka siiyeen xaalada Guud ee degaannada Jubbaland iyo waxyaabaha u qabsoomay & qorshahooda xiga ee xilligaan.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Jubbaland.