Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inay shaqaaleysiinayaan ardayda ka jelin jebisa Jaamacadaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inay shaqaaleysiinayaan ardayda ka jelin jebisa Jaamacadaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, Feb, 2 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qayb galay xaflad ay ku qalin jabinayeen Dufcaddii 8aad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Kismaayo.

Ardaydan oo ka qalinjabiyay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda waxaa ay in mudo ah ku jireen halgan waxbarasho oo wakhti dheer soo qaatay.

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo khudbad u jeediyay ardayda ayaa diirada ku saaray marxaladaha waxbarashada dalka guud ahaan iyo fursadaha jira.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Jaamacadda Kismaayo ay soo martay wakhtiyo kala duwan isla markana ay tahay Hooyada Jubbaland, maadama ay marti galisay shirkii ugu horeeyay ee Jubbaland lagu dhisay, wuxuuna xusay in Jaamacadan ay tahay mida ugu wanaagsan ee guud ahaan Gobolka isla markana ay kaga faa’iidaysan doonan in shaqo abuur loo sameeyo Ardayda ka qalinjebisa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in Jubbaland mudnanta koobad siinayso dadka dalka gudahiisa wax ku bartay marka laga hadlayo fursadaha shaqo si aysan dhallinyaradu dalkooda uga haajirin.

“Maanta waxaan rabaa in aan idiin sheego Jaamacadaha dalka gudahiisu waxay soo saaran jiil ku haboon in ay qabtaan shaqooyinka gudaha halkii dad dibadaha ka yimid la shaqaalaysiin lahaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maamulka Jaamacadda ayuu u sheegay in ay ka sugayaan sidii loo gaba gabayn lahaa in Jaamacaddu ay noqoto mid heer deegaan ah oo Jubbaland ay gacanta ku hayso isla markana dadka ka qalin jabiya loo qaato shaqaalaha hay’adaha Dowladda.

Waxbarashada dalka ayuu sheegay in ay soo wanaagsananayso isla markana ay rajo badan ka qabaan in ay tayada waxbarashadu noqoto sidii ay ahayd wakhtiyadii bari samaadka.

Waalidiinta iyo dhamaan dadkii gacanta ka gaystay in Ardaydan ay halkan soo gaaran ayuu Madaxweynahu u mahadceliyay isagoo ku booriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In