Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiirka dowladda Imaaraat-ka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraat-ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa calaaqaadka taariikhiga ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Danjire Al-xamaadi ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa Dalka Imaaraat-ka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr; Anwar Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha horyaalla.

Wasiir Cawad ayaa dhankiisa dowladda Imaaraat-ka kaga mahad celiyay dedaallada joogtada ah ee ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.

Sidoo kale wasiirka ayaa dowladda Imaaraat-ka ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee dhan walba leh ee ay ka waddo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiso wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Previous Post

Ku simaha wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta oo ku sugan sacuudiga ayaa kulan la qaatay kaaliya Xoghayha guud ee Raabidada Caalamka Islaamka. Sawiro

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inay shaqaaleysiinayaan ardayda ka jelin jebisa Jaamacadaha “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inay shaqaaleysiinayaan ardayda ka jelin jebisa Jaamacadaha “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inay shaqaaleysiinayaan ardayda ka jelin jebisa Jaamacadaha "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In