Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo Shir gudoomiyay kulankii kowaad ee Golaha Amniga Jubbaland

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha  Jubbaland  oo Shir gudoomiyay kulankii kowaad ee Golaha Amniga Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo ka farcamay golaha Amniga Qaranka.

Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay.

Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo.

Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin.

Arimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka.

Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland

Previous Post

Qaar kamid ah Sarakiisha Booliska Hir shebeelle oo tababar loo furay

Next Post

Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad lagu xusayay maalinta Macalinka Somaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In