Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulamo la qaatay Odeyaasha, Dhallinyarada, Haweenka, iyo saraakiisha laamaha aminiga Degmada Waajid oo ka dhagaystay Baahiyaha ay qabaan iyo sida ay ugu diyaar garoobeen ka qeybqadashada Dagaalka Cadowga lagaga sifeynayo guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale , Madaxweyne Laftagareen iyo qaybaha kala duwan bulshada degmada Waajid ayaa ka hadalaay sidii loo furi lahaa Waddooyinka gobalka ee ay xireen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koofur galbeed, Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa waday maalmihii la soo dhaafay kulamo looga hadlayay wejiga labaad dagaalka ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab, isaga oo la kulamy maamulada iyo bulshada reer Koofur galbeed.