Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha KG oo Baydhabo ka furay shir Ku saabsan horumarinta Xoolaha

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha KG oo Baydhabo ka furay shir Ku saabsan horumarinta Xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiiradda Xanaanada Xoolaha ee maamul goboleedyada, xubno ka socday gobolka Banaadir , aqoonyahano iyo ururo kala duwan ayaa ka qeyb galay shirkan wadatashiga ah oo looga hadlay arimo ku saabsan mashruuca horumarinta Xoolaha oo ay maalgeliyeyn Midowga Yurub EU gaar ahaan qeybta Horumarinta Xoolaha.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, ayeey ka qeybgalyaashu uga doodeen qaabka ugu haboon ee loo fulin karo mashruucan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shirka furay ayaa sheegay in mashruucan uu muhiimad weyn xambaarsanyahay maadaama dadka Soomaaliyeed ay u badanyhiin dad Xoolo dhaqato ah , wuxuuna ku taliyey in laga wada shaqeeyo horumarinta Xoolaha oo qeyb weyn ku leh dakhliga soo koraya ee dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugudabayntii wixuu Hadalkiisa kusoo gunaanaday “shirkan inta uu idiin socdo waxaa muhiim ah inaad isla ogolaataan baahida Muhiimka ee lagu horumarinaayo xoolaha, Daaqooda,Waraab kooda, Caafimaad kooda iyo Nolosha Xoolo dhaqatada Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu tiirsan xoolaha wuxuuna yiri
“ Waxaa farxad weyn ii ah, in aan maanta idiinkala soo qaygalo geeddi-socodkan muhiimka ah ee ee Barnaamijka Dhamaystiran ee Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanada Maxalliga ah (ILED) ee Qaybtiisa Horumarinta Xoolaha si aad uga doodaan una Xulataan Qeybaha Muhiimka ah ee istiratijiyada Horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed ee aan sanadkii 2019 si wadajir ah uga wada shaqaynay samynteeda. Mudnaantana aad siisaan habka ugu haboon ee loo adeegsanayo hirgelinta Mashruuca ay noogu deeqday Midowga Yurub EU ee Horumarinta Xoolaha Soomaaliya “

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa la filayaa inay kasoo baxaan qorshe loo dhanyahay oo ay Dowlad gobleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Fedraalka ay mid walba ku darsadaan taladooda iyo baahidooda si mashruuca qorshaha loo wada dhan yahay loogu fuliyo.

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Degmada Jilib

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday dambiileyaal ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In