Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeybgalay Munaasabada Caleema-Saarka Gollaha Deeganka Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.
Waxaana munaasadabadaan kasoo qeybgalay madax kala duwan oo ka socotay qeybha kala gadisan ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dowladda Federaalka Soomaaliya sida: Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadad Maxamed Nuur Aliyow, labadda Golle Dowladda Koonfur Galbeed, Taliyaha Qeybta 3-aad Ciidanka ATMIS, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Bulshada halkaas ku dhaqan.
Golahaa maanta la caleema saaray ayaa looga fadhiyaa inay waxbadan u qabtaan dadka shacbka ah,Korne u qadaan hormarka Gobalka Baay,iyo inay si hufan ugu adeegaan bulshada.