Thursday, April 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koofur Galbeed Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Uu Saameeyay Fatahaadda, Una Mahadceliyay Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Oo Nus Milyan Doolar U Qoondeysay Gurmadka iyo Samata Bixinta Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadda Degmada Afgooye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in lix kun iyo sideed boqol oo qoys ay ku barakaceen fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka geystay degmada Afgooye, isagoo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen musiibada.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in fatahaadda webiga ay saameysay nolosha qoysas badan oo ku noolaa Afgooye, isagoo xusay in laga cabsi qabo in webiga uu fatahaad kale oo horleh uu ka geysto deegaanno ka tirsan gobolka gaar ahaan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Related posts

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026

“Runtii maanta waxaan inta u soo istaagnay inaan ka hadalno arrinta fatahaadda webiga Shabeelle ee Degmada Afgooye iyo eeriyada ku dhow oo uu saameyn badan ku yeeshay, runtii meeshaas waxaa ka dhacday dhibaato xoog badan iyo barakac saameeyay ilaa lix kun iyo sideed boqol oo qoys ay ka baxeen guryahooda, waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed ninkasta oo wax heysta in loo gurmado walaalahood dadka reer Afgooye,”.ayuu yiri Madaxweyne Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay deeqda lacagta ah ay ugu yabooheen bulshada ku dhibaateysan Afgooye iyo deegaannada kale oo hoostaga.

“Dowladda Federaalka waxaan uga mahadcelineynaa gurmadkii ay noo sameeyeen, ayna u sameeyeen shacabkooda iyo dadka reer Afgooye lacagta shanta boqol kun ahayd ay ku deeqeen dowladda Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo dowladda oo dhan waan uga mahadcelineynaa, waxaan kaloo rabnaa in hadduu Ilaahey yiraahdo hay’adaha caalamiga ah, dowlad Goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay u gurmadaan dadkaas dhibaateysan oo biyaha ku dhex jiro, oo jiif la’aanta iyo cunno la’aanta ah”. ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay sameyn doonaan qorshe looga hortagayo in markale uu fatahaad sameyo webiga Shabeelle, ayna gacan weyn ka geysan doonaan in loo gurmado shacabkii uu saameeyay fatahaadda webiga.

Previous Post

Xukuumadda Oo Nus Milyan Doolar U Qoondeysay Gurmadka iyo Samata Bixinta Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadda Degmada Afgooye “SAWIRRO”

Next Post

Taliye Odowaa Iyo Saraakiil Cidan Oo Kormeer Ku Tegay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab “SAWIRRO”

Next Post
Taliye Odowaa Iyo Saraakiil Cidan Oo Kormeer Ku Tegay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab “SAWIRRO”

Taliye Odowaa Iyo Saraakiil Cidan Oo Kormeer Ku Tegay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab “SAWIRRO”

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo...

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

April 23, 2026
0

Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah...

Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradda

Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradda

April 23, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta soo xiray tababar socday muddo afar maalmood...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In