Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya oo saxiixay sharciga Nadaafada ee KGS 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa saxiixay Sharciga Naafada Koonfur Galbeed, oo ay diyaarisay Wasaaradda Haweenka ee Dowladda Koonfur Galbeed. Munaasabadda saxiixa sharciga oo ka dhacday magaalada Baydhabo, waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Mahad, iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiska Xuquuqul Insaanka.

Saxiixitaanka sharcigan ayaa muhiimad weyn u leh kor u qaadista xuquuqda naafada ee Koonfur Galbeed, iyadoo sharcigan uu dhiirrigelinayo daryeelka, xuquuqda, iyo fursadaha ay naafadu u baahan tahay. Sharcigan ayaa sidoo kale ka turjumaya dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan taageerada naafada iyo sidii loo abuuri lahaa deegaan u qalma dadka naafada ah, iyadoo la tixgelinayo baahiyahooda gaarka ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Wasiirka Haweenka, ayaa ka warbixisay ahmiyadda sharcigan, waxayna sheegtay in uu yahay tallaabo weyn oo horumarineed oo ka turjumaysa siyaasadda Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan xaqiijinta xuquuqda dadka naafada ah. Wasiirku waxa uu sidoo kale tilmaamay in sharcigan uu fursad siinayo dadka naafada ah si ay uga qeybqaataan bulshada, kana faa’iidaystaan fursadaha caafimaad, waxbarasho, iyo shaqo.

Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Mahad ayaa soo dhoweeyay saxiixa sharcigan, isagoo muujiyay in ay tani tahay tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo naafada dalka. Madaxda ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Xafiiska Xuquuqul Insaanka, ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyay tallaabada Dowladda Koonfur Galbeed, waxayna ku tilmaameen inay tahay horumar weyn oo loogu talagalay xaqiijinta xuquuqda naafada iyo sii wadista dadaallada lagu xaqiijinayo sinnaanta bulshada.

Saxiixitaanka sharciga Naafada ee Koonfur Galbeed ayaa muujinaya ballanqaad cusub oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda dadka naafada ah, iyadoo sidoo kale la dhisayo qaab-dhismeedyo siyaasadeed iyo sharci oo dadka naafada ah fursad u siinaya inay si buuxda uga qaybqaataan dhammaan hawlaha bulshada.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Azerbaijan

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda FCA

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda FCA

Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Madax ka socota hay’adda FCA

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In