Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Beydhaba ka furay shir ku saabsan yareynta isticmaalka iyo Joojinta Dhoofka Dhuxusha “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Beydhaba ka furay shir ku saabsan yareynta isticmaalka iyo Joojinta Dhoofka Dhuxusha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa joogteynta yareynta isticmaalka dhuxusha, JoojintaDhoofka Dhuxusha iyo Sidii shaqooyin kale loogu abuuri lahaa dadka ku howlan xaalufinta dhirta, waxaana furitaankiisa ka qeyb galay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiirada Arimaha deegaanka ee Dowlad Gobaleedyada da’ka iyo aqoonyahano ku xeel dheer dhanka deegaanka.

Wasiirda Dowlad Gobaleedyada ee shirka kasoo qeyb galey ayaa isla qirey in ay waajib tahay in wax laga qabto xaalufka deegaanka, Joojinta Dhoofka Dhixusha iyo in shaqo abuur loo sameeyo dadka dhir jarista ku xoogsada ee nolosha ka raadiya.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Ayaa sheegay inuu shirkan biloow u yahay barnaamijyo ay Wasaaraddu ugu talogashay in looga hortago xaalufinta dhirta iyo in bulshada laga wacygaliyo qataraha laga dhaxli karo xaalufinta deegaanka oo hadaan laga hortagin oo aan meel looga soo wada jeesan sababi kara qataro badan sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa dhanka kale ballanqaaday in sanadkan gudihiisa ay dalka oo dhan ka abuuri doonaan Hal Milyan oo geed si loo wanaajiyo arimaha deegaanka, islamarkaana ay dhowaan Golaha wasiirada geyn doonaan Sharci Ciqaabeed lagu xakamaynaayo dadka ka shaqeeya Dhoofka xoolaha .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shirka furay ayaa sheegey in Koonfur Galbeed ay wax weyn uga dhigan tahay in ay marta geliso shirkan caalamiga ah ee looga hadlayo dhibaatada xaalufka dhirta , wuxuuna tilmaamay inuu ku rajo weynyahay in ay kulanka kasoo baxaan go’aano wax ku oola oo dalka anfaca .

Dhinaca kale Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay dhirtu leedahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in si wadajira loogu istaago sidii loo joojin lahaa dhoofinta dhuxusha oo dhibaatooyin badan horseedda

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maadaama dhirtu ay lagama maarmaan u tahay deegaanka iyo noolaha intaba.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray xarunta horumarinta Manhajka Waxbarashada Qaranka

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay Warxaafadeed ku saabsan Coronovirus (COVID-19)

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay Warxaafadeed ku saabsan Coronovirus (COVID-19)

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay Warxaafadeed ku saabsan Coronovirus (COVID-19)

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In