Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxaweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaanno heer Fedaraal ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay koonfur Galbeed ayaa maanta kormeeray Goroonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Madahaweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu horen xariga ka jaray qeyb ka mid ah garoonka oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Koonfur Galbeed ay dayactir ku sameysay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Qeybta dayactirka lagu sameeyay ayaa waxay ahaan jirtay meel biyo fariisin ah oo dadka iyo Gaadiidka isticmaala dhibaato badan ay ku qabeen, laakin xilligan waxay u muuqataa mid sifiican loo dayactiray, waxaana la dhigay dhagaxaanta loo yaqaaano Interlog  ama kabal istoon.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa intaasi kadib, kormeeray Terminaalka cusub ee laga hago diyaaradaha ee la dhisayo, kaas oo dhismihii xilligan meel wanaagsan ay marayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad Goballeedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay wado qorsheyaal kor loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha Koonfur Galbeed.

Mudane Cabdicasiiis Xasan Maxamed Madahaweynaha Koonfur Galbeed  ayaa dhankiisa si aad ah u ammaaney howlaha baaxadda leh ee ay Wasaaraddu u hayso bulshada, waxaana uu ku dhiiragaliyey Wasaaradda iney sii laba jibaarto shaqada shacabka u hayso.

Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wada qorsheyaal dib loogu dhisayo goobaha danta guud ee ku burburay colaadihii sokeeyey ee dalka ku habsaday .

Previous Post

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

Next Post

Dhulgariir dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay dalka Turkiga

Next Post
Dhulgariir dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay dalka Turkiga

Dhulgariir dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay dalka Turkiga

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In