Madaxweynaha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo Maanta ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo u jooga.
Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka waxaa looga Hadlay Xoojinta Howlgalada lagu Ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
Shalay ayay aheyd markii ay gareen Magaalada Baydhabo, Wafi uu u hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana kamid ah wafdigaas mas’uuliyiin katirsan Dowladd Federaalka Soomaaliya.