Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulamo Addis Ababa Kula Yeeshay Madaxda Dowlada Itoobiya  “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulamo Addis Ababa Kula Yeeshay Madaxda Dowlada Itoobiya  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan casuumad rasmi ah ku joogay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa kulamo kula yeeshay madaxda dowlada Itoobiya.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxuuu kulankii ugu horeeyay la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka Dowlada Itoobiya iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo xuduud dhinaca dhulka ah leh gaar ahaan xoojinta Ammaanka iyo Ganacsiga.

Kulankaan markii uu dhamaaday ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo sheegay inay Itoobiya muhiimad gaar ah u leedahay dowlad goboleedka Galmudug waxuuna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan booqashada markii ugu horeysay Madaxweyne Guuleed ku yimid dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxwenaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu kulankani ahaa mid si weyn labada dhinac isku afgarteen laguna gorfeeyay xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo Ganacsiga.

Si kastaba ha ahatee, dowlada goboleedka Galmudug ayaa xuduud dhanka dhulka ah leh dowlada Itoobiya, waxuuna safarka Madaxweyne Guuleed ku tagay Itoobiya noqonayaa kii ugu horeeyay uu halkaasi ku tago tan iyo markii 04 July loogu doortay magaalada Cadaado.

gued (2) gued (3) gued (4) gued (5)

Previous Post

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Caalamiga Ah Ee Dubai Ka Socda “Sawirro”

Next Post

Munaasabad Lagu Daahfurayay Taratan Kubadda Cagta Ah Oo Dhexmari Doono Kooxa Ka Socda Dugsiyada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Ka Dhacay “Sawirro”

Next Post
Munaasabad Lagu Daahfurayay Taratan Kubadda Cagta Ah Oo Dhexmari Doono Kooxa Ka Socda Dugsiyada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Ka Dhacay “Sawirro”

Munaasabad Lagu Daahfurayay Taratan Kubadda Cagta Ah Oo Dhexmari Doono Kooxa Ka Socda Dugsiyada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Ka Dhacay “Sawirro”

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In