Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Kulan Kula Qaatay Deegaanka Galinsoor Bulshada Qeybaheeda Kale Duwan “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan uu hogaaminayay madaxwayanaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo maanta gaaray deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Mudane C/kariim iyo wafdigiisa ayaa halkaas u tagay arrimo la xiriira dib u heshiisiinta bulshada iyo u kuurgalidda nolosha bulshada, waxaana munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ka hadlay qaar ka mid ah waxgaardka deegaanka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Suldaan Maxamuud Ereg Β ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan wafdiga madaxwaynaha islamarkaana ay ka filayaan maamulkan cusub inuu wax ka qabto adeega bulshada oo Galinsoor ay ka liidato.

Maxamed Axmed Caalin oo gudoomiye u ah gudi uu dhawaan madaxwaynaha Galmudug u magacaabay arrimaha dib u heshiisiinta oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay inay la shaqeeyaan maamulka lagana heshiiiyo dhacdooyinkii dib u dhaca keenay.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliueed ee Galmudug ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wax ka qabanayaan baahida bulshada reer Galinsoor.

“Galinsoor waxa ay u baahantahay waxbarasho, caafimaad, biyo iyo dhammaan qof kasta oo bini’aadam ah waxa uu u baahanyahay, hadaan nahay dawlad goboleedka Galmudug diyaar waxaan u nahay intii karaankeena ah inaan ka haqabtirno, waa marka reer Galinsoor si wax loogu qabto si hormar loo gaarsiiyo ayagana ay muujiyaan waxa dawladnimo u baahantahay” ayuu yiri Madaxwayne C/kariin.

Madaxwayne C/kariin ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha danta guud sida Saldhiga Booliska Galinsoor oo burbur uu ka muuqdo, waxaana Wafdiga madaxwaynaha Galmudug ay caawa ku hoyanayaan deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

DSC09451 DSC09453 DSC09454 DSC09456 DSC09462 DSC09468 DSC09471 DSC09473 DSC09477 DSC09486 DSC09494 DSC09498 DSC09499 DSC09500 DSC09516

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Oo Booqday Baardheere Sheegayna In Uu Furanyahay Garoonka Degmadaasi “Sawirro”

Next Post

Baarlamaanka Soomaaliya Heer Maxkamadeed Ayuu La Tiigsanayaa Dadka Magaciisa Uga Been Abuurtay Internetka…..WARSAXAAFADEED

Next Post
Baarlamaanka Soomaaliya Heer Maxkamadeed Ayuu La Tiigsanayaa Dadka Magaciisa Uga Been Abuurtay Internetka…..WARSAXAAFADEED

Baarlamaanka Soomaaliya Heer Maxkamadeed Ayuu La Tiigsanayaa Dadka Magaciisa Uga Been Abuurtay Internetka.....WARSAXAAFADEED

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In