Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo La Kulmay Naafadda Iyo Barakacayaasha Ku Dhaqan Gaalkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo La Kulmay Naafadda Iyo Barakacayaasha Ku Dhaqan Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani oo ahaa mid dhex maray Madaxweynaha  Maamulka Galmudug iyo Naafada ku nool degmada Gaalkcyo ayaa waxa uu ka dhacay xarunta guriga Hooyooyinka Galmudug, waxaana kulankani soo qaban-qaabiyay Wasaarada Gargaarka iyo Bini’adnimada Iyo Daryeelka Naafada Maamulka Galmudug iyo Hay’ada Ileys Women Development.

Kulankani inta uu soday waxaa lagu falan-qeeyay sidii wax loogu qaban lahaa dadka Naafada ah ee xiligaan ku nool degmada Gaalkcyo ee gobolka Mudug.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Qaar ka mid ah dadka Naafada ah oo hadlay ayaa waxa ay  sheegeen in xiligan ay heysato dhibaato dhanka Nolosha ah ayagoona intaasi raaciyey in aysan jirin cid xil iska saartay wax u qabashadooda isla markaana ay aad ugu dulman yihiin deegaanka waxa ayna Madaxweynaha ka codsadeen in wax uu u qabto.

Wasiirka Gargaarka iyo Bini’adnimada Iyo Daryeelka Naafada Maamulka Galmudug Mudane Shire Xirsi Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa baaq u diray Hay’adaha taakuleeya dadka taagta daran, waxuuna ugu baaqay inay si deg-deg ah wax loogu qabto dadkaasi ku dhibaateysan gudaha Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo madasha ka hadlay ayaa balan qaad u sameyey dadkii Naafada ahaa ee maanta uu kulan la qaatay wax uuna sheegay in dowladiisu ay u sameyey dadka Naafada iyo Barakacayaasha ah Wasaarad ku shaqo leh arimahaas wax uuna tilaamay in ay wax u qabandoonto dadka taagta daran ee ku nool deegaanada Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo Madaxweynaha Maamulka  Galmudug uu kulan la yeesho qaar ka mid ah dadka Naafadda ah ee ku nool deegaanada Galmudug, waxuuna kulankan noqday mid si wayn ay u soo dhaweeyeen dadka Naafadda ah oo sheegay inaysan wali la kulmin Madax la mid ah Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

naafo (1) naafo (2) naafo (3) naafo (4) naafo (5) naafo (6) naafo (7) naafo (8) naafo (9) naafo (10) naafo (11) naafo (13)

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In