Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Daah-Furay Mashruuca Qolalka Isgaarsiinta “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaaladda Jowhar ka daah-furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle.

Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado Dalka, ayaa waxa uu kala shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dawladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid dalka oo dhan laga hirgaliyay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Munaasabadda Daah-furka oo ka dhacday madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi, Madaxweyne ku-xiggeenka, Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee Baarlamanka, Xubno ka tirsan Labada Golle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahad-celiyay madaxda Hirshabeelle sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay Mashruucaan.

Wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda Maamulka Hirshabeelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku howlanyihiin tayeynta Internetka xafiisyada Dowladda.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Maamulkaasi oo koobaya howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey mashruuca iyo faa’iidooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabeelle.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la qaatay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka “Sawirro”

Next Post

Guddiyada Joogtada Labada Gole ee BJFS oo kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho”Sawirro”

Next Post
Guddiyada Joogtada Labada Gole ee BJFS oo kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho”Sawirro”

Guddiyada Joogtada Labada Gole ee BJFS oo kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho”Sawirro”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In