Madaxweynaha Mamulka Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarraysa dalkaasi isagoo kala hadli doona guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan kooxaha argagixisada Al Shabaab oo ku sii xoogaysanaya geeska Afrika.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu u soo gudbi doona Puntland maadaama ay maalmihii ugu dambeeyey ay dawladdiisu ku jirtey dagaal adag oo lagaga sifaynayo Puntland kooxaha Burcad diimeedka ah ee duullaanka kusoo qaaday qaybo kamid ah deegaan xeebeedka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay isaga filantahay guluf walba oo ka dhan ah Puntland oo ay soo qaadaan kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo isku dayda inay khalkhal ka abuurto Puntland.
Dr Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalaba sida ee Maamulka Puntland ay xaq u leeyihiin in ay helaan taakulada ay helaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa oo Amisom balse aanay jirin wax baahi ah oo Puntland u qabto in ciidamo shisheeye la keeno.
—DHAMMAAD—-