Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaliya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland  Oo Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaaliya Mr.Hugh Riddel iyo wadi uu hogaaminayey.

Ka qeybgalka kulanka ee dhanka Puntland waxaa madaxweynaha maamulkaasi ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar iyo Agaasimaha guud ee macdanta iyo shidaalka ee maamulkaasi Puntland Ciise Dhoolawaa.
Kulan gaar ah oo madaxweynaha Maamulka Puntland Mr Gaas la qaatay mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa uu ku saabsanaa kheyraadka ku jira Puntland sidii looga faa’iidaysan lahaa, bankiga aduunkuna uu gacan uga siin lahaa Puntland sidii loo soo saari lahaa kheyraadkaasi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mr Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ku jiraan kheyraad fara badan oo u baahan in looga faa’iideeyo shacabkeeda, waxaana uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan cidkasta oo kheyraadka ku jira Puntland soo saaristeeda gacan mug leh ka geysanaysa.

Wafdiga ka socday Bankiga aduunka ayaa dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin in ay isgarab taagaan Maamulka Puntland gacana ay ka siiyaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Sidookale Bankiga Aduunka ayaa ayaa waxaa ay sheegeen in ay damaanad qaad buuxa siin doonaan shirkadaha maalgashiga iyo shirkadaha soo saara kheyraadka dabiiciga ah kuna dhiirigelinayaan in Puntland ka howlgalaan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii shacabka reer Puntland looga faa’iideynlahaa kheyraadka dabiiciga ah ee eebe ku manaystay Puntland, waana talaabo muhim ah oo ay Puntland horay u qaaday mudadii uu hogaanka Puntland hayey C weli Gaas.

IMG_2482

IMG_2485

IMG_2489

IMG_2490

IMG_2492

IMG_2493

Previous Post

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Labo Kulan La Ganaaxay

Next Post

Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Next Post
Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In