Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaliya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland  Oo Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa xafiiska Bankiga aduunka ee Soomaaliya Mr.Hugh Riddel iyo wadi uu hogaaminayey.

Ka qeybgalka kulanka ee dhanka Puntland waxaa madaxweynaha maamulkaasi ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar iyo Agaasimaha guud ee macdanta iyo shidaalka ee maamulkaasi Puntland Ciise Dhoolawaa.
Kulan gaar ah oo madaxweynaha Maamulka Puntland Mr Gaas la qaatay mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa uu ku saabsanaa kheyraadka ku jira Puntland sidii looga faa’iidaysan lahaa, bankiga aduunkuna uu gacan uga siin lahaa Puntland sidii loo soo saari lahaa kheyraadkaasi.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Mr Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ku jiraan kheyraad fara badan oo u baahan in looga faa’iideeyo shacabkeeda, waxaana uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan cidkasta oo kheyraadka ku jira Puntland soo saaristeeda gacan mug leh ka geysanaysa.

Wafdiga ka socday Bankiga aduunka ayaa dhankooda sheegay inay diyaar u yihiin in ay isgarab taagaan Maamulka Puntland gacana ay ka siiyaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Sidookale Bankiga Aduunka ayaa ayaa waxaa ay sheegeen in ay damaanad qaad buuxa siin doonaan shirkadaha maalgashiga iyo shirkadaha soo saara kheyraadka dabiiciga ah kuna dhiirigelinayaan in Puntland ka howlgalaan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii shacabka reer Puntland looga faa’iideynlahaa kheyraadka dabiiciga ah ee eebe ku manaystay Puntland, waana talaabo muhim ah oo ay Puntland horay u qaaday mudadii uu hogaanka Puntland hayey C weli Gaas.

IMG_2482

IMG_2485

IMG_2489

IMG_2490

IMG_2492

IMG_2493

Previous Post

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Labo Kulan La Ganaaxay

Next Post

Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Next Post
Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Guddiga Doorashooyinka

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In