Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ka Qeyb-galay Aas Garoowe Loogu Sameeyay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Maamulkaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ka Qeyb-galay Aas Garoowe Loogu Sameeyay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Maamulkaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta ka qeyb-galay aas qabuuraha caasimada maamulka Puntland ee Garoowe loogu sameeyey Allaha unaxariiste Marxuum Xildhibaan Saciid Maxamed Cismaan oo loo yaqiinay Saciid Agandi kana mid ahaa Mudanayaasha Golaha wakiilada Puntland.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire, guddoomiye ku xigeennada guddoonka Baaralamaanka Puntland, wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, xildhibaano, waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool Garoowe.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaan Saciid Agandi alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan uu ka siiyo eheladii, asxaabtiisi iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u tacsiyeyeynayaa guud ahaan umadda reer Puntland gaar ahaana waxaan rabaa inaan tacsi uga diro Baaralamaanka iyo gudoonkooda oo uu xildhibaanku si gaar ah uga tirsanaa” Ayuu yiri Dr Gaas.

”Xildhibaan ka tirsan maamulka puntland ayuu ahaa dhammaanteena waa inaga geeryooday, qoyskii uu ka geeryoodayna waxaan leeyahay samir iyo iimaan buuxa ilaahay ha idinka siiyo, wax kheyr qabana dhammaanteena Allaha inoogu badalo ” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Marxuum Xildhibaan Saciid Maxamed Agandi ku tilmaamay inuu ahaa nin dhalinayaro ah oo fir-fircoon kana tirsanaa gudiga joogtada ah ee Baaralamaanka maamulkaasi.

Allaha unaxariisto Marxuum Saciid Maxamed Cismaan ayaa maanta gelinkii hore ku geeryooday Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo uu mudooyinkii u dambeeyey ku xanuusanaa.

-DHAMMAAD-

SAWIRADA AASKA  (1)

SAWIRADA AASKA  (2)

SAWIRADA AASKA  (3)

SAWIRADA AASKA  (4)

SAWIRADA AASKA  (5)

SAWIRADA AASKA  (6)

SAWIRADA AASKA  (7)

SAWIRADA AASKA  (8)

SAWIRADA AASKA  (9)

SAWIRADA AASKA  (10)

Previous Post

Manchester City oo Ka Adkaatay Kooxda West Bromwich Albion “SAWIRRO”

Next Post

Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In