Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ka Qeyb-galay Aas Garoowe Loogu Sameeyay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Maamulkaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Ka Qeyb-galay Aas Garoowe Loogu Sameeyay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Maamulkaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta ka qeyb-galay aas qabuuraha caasimada maamulka Puntland ee Garoowe loogu sameeyey Allaha unaxariiste Marxuum Xildhibaan Saciid Maxamed Cismaan oo loo yaqiinay Saciid Agandi kana mid ahaa Mudanayaasha Golaha wakiilada Puntland.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire, guddoomiye ku xigeennada guddoonka Baaralamaanka Puntland, wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, xildhibaano, waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool Garoowe.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaan Saciid Agandi alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan uu ka siiyo eheladii, asxaabtiisi iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u tacsiyeyeynayaa guud ahaan umadda reer Puntland gaar ahaana waxaan rabaa inaan tacsi uga diro Baaralamaanka iyo gudoonkooda oo uu xildhibaanku si gaar ah uga tirsanaa” Ayuu yiri Dr Gaas.

”Xildhibaan ka tirsan maamulka puntland ayuu ahaa dhammaanteena waa inaga geeryooday, qoyskii uu ka geeryoodayna waxaan leeyahay samir iyo iimaan buuxa ilaahay ha idinka siiyo, wax kheyr qabana dhammaanteena Allaha inoogu badalo ” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Marxuum Xildhibaan Saciid Maxamed Agandi ku tilmaamay inuu ahaa nin dhalinayaro ah oo fir-fircoon kana tirsanaa gudiga joogtada ah ee Baaralamaanka maamulkaasi.

Allaha unaxariisto Marxuum Saciid Maxamed Cismaan ayaa maanta gelinkii hore ku geeryooday Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo uu mudooyinkii u dambeeyey ku xanuusanaa.

-DHAMMAAD-

SAWIRADA AASKA  (1)

SAWIRADA AASKA  (2)

SAWIRADA AASKA  (3)

SAWIRADA AASKA  (4)

SAWIRADA AASKA  (5)

SAWIRADA AASKA  (6)

SAWIRADA AASKA  (7)

SAWIRADA AASKA  (8)

SAWIRADA AASKA  (9)

SAWIRADA AASKA  (10)

Previous Post

Manchester City oo Ka Adkaatay Kooxda West Bromwich Albion “SAWIRRO”

Next Post

Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Kooxaha Arsenal, Southampton,Tottenham, Crystal Palace iyo Swansea oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In