Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka qeybgalay aas Garowe loo sameeyay marwadii C/raxmaan Faroole “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka qeybgalay aas Garowe loo sameeyay marwadii C/raxmaan Faroole “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 9-4-2015 ka qeyb-galay aas qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland loogu sameeyey Allaha u naxariiste marwadii Dr.Cabdiraxmaan “Faroole” Madaxweynihihii hore ee Puntland Marxuumad Aamino Abiib.

Aaska  ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Punttland, Madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire, Isimo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed “Faroole”, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeryootay maanta magaalada Garoowe.

” Anigoo ku hadlaya magaca Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Ilaahay waxaan ka rajaynayaa meesha ay joogtay meel ka kheyr badan in uu geeyo intii ay ka dhimatayna ka samir siiyo ” Ayuu hadalka raaciyey Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidoo kale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumada, waxaana uu Alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

IMG_4127 IMG_4133 IMG_4135 IMG_4149 IMG_4155 IMG_4162 IMG_4183

Previous Post

R/wasaaraha dalka oo tacsi u diray qoyska reer Cabdiraxman Faroole

Next Post

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Next Post
Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In