Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Qaramada Midoobey “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo La Kulmay Wafdi Kasocday Qaramada Midoobey “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kasocdey Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka ayaa gaas  waxaa kuwehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha Wasiirada dawladda Puntland.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweynaha maamulka puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimaha banii’aadantinimada iyo heer heerka ay ka joogta ilaalinta xuquuqda aadanuhu deegaanada Puntland arrintaas oo noqotay mid aad loogu ammaanay Dawladda Puntland qaabka ay u ilaaliso xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay wadashaqaynta ka dhexaysa hay’adaha qaramada midoobey ee Puntland kusugan iyo Dawlad Gobaleedka Puntland waxaana la tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso wadashaqayntoodu isla markaana loo baahan yahay in lasii dardar geliyo wadashaqayntaasi.

Madaxweyne maamulkaasi Gaas iyo Peter De Clercq ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimaha abaaraha ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada midoobey iyo Dawladda Puntland ay isaga kaashan lahaayeen gurmadka abaaraha, kaas oo ay dawladda Puntland mar hore bilawday.

Ugu dambayntii, ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada difaaca Puntland oo dhowaan jebiyey kooxihii Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday isla markaana kasoo hooyey guulihii taariikhiga ahaa.

IMG_3741 IMG_3742 IMG_3745 IMG_3746

Previous Post

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Horumarka Amniga Caasimadda

Next Post

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgallada caalamiga ee ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo soo gelinayo Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In