Xafladan uu Madaxwynaha Puntland ku wareejinayaay lacagtaani waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday Golayaasha Maamulka Puntland Gudiyada Dhammaystirka Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo wadada Ceel Daahir Ceerigaabo, maamulka Gobolka, isimo ,Culumo awdiin ,haween iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Duulsita hawada iyo Garoomada Puntland xassan xaaji Siciid oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Goobta ka hadashay ayaa si kooban uga war bixiyay waxyaabaha ka dhiman Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ee ay dowladu dhammaystirayso.
C/fataax maxamed Cabdi Kismayo oo ka mid ah Guddiga dhammaystirka Garoonka Garoowe waxa uu ka mahadceliyay Go’aanka Madaxwaynaha ee gabagabaynta Garoonka Garoowe isagoona bogaadiyay isku tashida shacab iyo maamul ee Puntland .
Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxwayanah Puntland ayaa ku baaqay isku tashi bulsho isagoona Xusay in lacagta dhammaystirka Garoonka Garoowe dawladiisu bixinayso shacabkana looga baahan yahay ka qayb qadasho wadaniyadeed.
Wadaxayanah Puntland ayaa dhanka kale sicad u sheegay in ay muhiim u tahay shacabka iyo Maamulka Puntlanba dhammaystirka wadada Ceel Daahir Ceeri -Gaabo ayna door muuqda ka qaadan doonto Horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Puntland .
Gabagabadii xafladana Madaxwaynaha Puntland ayaa ku wareejiyay Guddiyada dhammaytirka Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wada Ceel daahir Ceerigaabo jeeg lacageed oo dahn saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar.