Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Lagu soo dhaweeyay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka  “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Lagu soo dhaweeyay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka  “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Kumanaan Soomaalida gobolka Ohio ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad Soo dhaweeyn ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland  Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayay oo dhawaan soo gaaray magaalada Columbus ee xarunta gobolka Ohio.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Goobta xaflada soo dhaweynta ay ka dhacaysay ayaa gabi ahaan buuxdhaaftay waxaana si weyn amaanka wafdiga u sugayay ciidanka Booliiska ee Columbus, iyada mudadii xaflada ay socotay lagu soo bandhigay qudbooyin kiciyay dareenka ka soo qeybgalayaasha oo isku darayay sacab iyo Mashxarad.

Waxaa ka hadlay Masuuliyiinta Jaaliyada, Madaxda ururada, siyaasiyiin, Oday dhaqameed, Culumo, iyo Musharixiinta xilalka kala duwan ka doonaya in ay ka qabtaan gobolkan ohio 2016 oo iyagu fursad u arkayay isu imaatinka Soomaali badan oo codkooda ay weydiisan karaan.

Kadib markii inta badan Martidii loo idmaday hadalka ay hadleen waxaa hadalka la wareegay Madaxweynaha Maamulka puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo uga mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha sida ay uga soo qeybgaleen xili ay ahayd Maalin shaqo.

Dr.Gaas waxa uu si weyn u sharaxay marxalada dalka Soomaaliya iyo halka ay mareyso, isaga oo dadka ku booriyay in la joogo xiligii Soomaalidu aayahooda ka tashan lahaayeen islamarkaana la dareemi lahaa in aysan jirin cid dibada is badal ka keeni karta hadii Soomaalidu aysan la imaan.

Ururka Somali American Leadership oo xafladan soo abaabulay ayaa waxa Masuuliyiintii u hadashay ay u mahadceliyeen Madaxweyne Gaas iyo Howlaha uu u hayo Shacabka .

Abwaanadii ka gabayay xaflada, Kuwii ka buraanburay, iyo kuwii ka heesay waxa ay dhamaan soo bandhigeen wadaniyad iyo wax ka tarjumaya Midnimada si loo gaaro hanaan isku filnaasho.

Waxa uu dulmaray Puntland oo uu ka sheekeeyay Horumarka ay hiigsanayso, waxaase uu ugu baaqay jaaliyada dibada in ay ku laabtaan Puntland isla markaana Ilmahooda iyo Hantidooda geeyaan si ay dalkooda u bartaan.

Ka hor inta uusan xaflada imaan saacado uu ku sugnaa Columbus waxa uu kulamo gooni gooni ah la lahaa qeybaha bulshada.

Dr. Gaas waxa uu sawir ka bixiyay halka Soomaaliya ay ku socoto 2016 iyo sida shacabka Soomaaliyeed uga dhursugayaan.

Madaxweynaha Maamulkaasi iyo wafdigiisa oo xiliyadii u dambeeyay ku sugnaa dalka Mareykanka waxa ay socdaalo kala duwan ku tageen qaar ka mid ah gobolada dalkan Maraykanka iyo Canada, iyaga oo kulamo la soo qaadatay Jaaliyadaha iyo madaxda goobaha ay tageen.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo intoo xilka madaxweynaha puntland loo doortay oo booqasho ku yimaado Dalka Mareykanka.

IMG_2353 IMG_2454 IMG_2458 IMG_2460 IMG_2461 IMG_2462 IMG_2472 IMG_2491 IMG_2496 IMG_2506 IMG_2520 IMG_2549 IMG_2556 IMG_2587 IMG_2588 IMG_2596 IMG_2610 IMG_2623 IMG_2640 IMG_2647 IMG_2653 IMG_2664 IMG_2681 IMG_2690 IMG_2704 IMG_2710 IMG_2715 IMG_2726 IMG_2762 IMG_2767 IMG_2768 IMG_2769 IMG_2770 IMG_2771 IMG_2772 IMG_2776 IMG_2779 IMG_2782 IMG_2783 IMG_2784 IMG_2785 IMG_2793 IMG_2804 IMG_2805 IMG_2806 IMG_2815 IMG_2819 IMG_2820 IMG_9080 IMG_9086 IMG_9088 IMG_9233 IMG_9304 IMG_9335 IMG_9385 IMG_9517 IMG_9768

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Haweenka Soomaaliyeed Ee Mareykanka Oo Minneapolis Ku Xusay Maalinta Haweenka Aduunka

Next Post

Ku dhawaad 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Awdheegle

Next Post
Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo loo gesytay duqeyn xagga cirka ah

Ku dhawaad 20 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Awdheegle

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In