Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hiraglinayo Boosaaso “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hiraglinayo Boosaaso “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wafdi uu hogaaminayay  ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn diirran taas oo aanay u kala hadhin dadweynaha kudhaqan magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Madaxweynaha ayaa markuu uu gaaray  magaalada Boosaso waxa uu dhagax dhigay buundo weyn taas oo hore u go’day, isla markaasna lagu dhisay Barnaamijka” Puntland Haysku tashato“ oo uu madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland hore u iclaamiyey, iyadoo dhaqaalaha ay ku kacayso buundadaasina lagu qiyaasay kudhowaad $40,000(Afartan kun oo doolar) waxaana iska kaashanaya Puntland iyo Shacabka deegaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu dhagax dhigay barnaamijka Ileyska cad-ceeda ku shaqeeya ee loo yaqaan SOLAR SYSTEM, kaas oo ay iska kaashanayaa Dawladda Hoose ee Boosaaso iyo Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” waxaana uu ku tilmaamay mid waxweyn ka-beddelidoona dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Boosaaso, isu socodka dadweyna xilliga habeenkii iyo adkaynta nabadgelyada Boosaaso.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisa  ayaa loosoo gelbiyey  Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaasi, iyagoona ay ugu mahad celiyeen dhammaan dadweynaha reer Puntland sida dawlad Jecaylka ah ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sidoo kale xusay in ay u yimaadeen Magaalada Boosaaso sidii ay si’ dhow ula socon lahaayeen mashaariicda horumarineed ee dawladdu kawado magaalada Boosaaso , isla markaasina xariga looga jari lahaa Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Boosaaso, iyadoo qalabkii lagu ballaarin lahaa dekedda boosaasona uu jidka kusoo jiro dhowaana lasugayo in hawshaasi labilaabo.

IMG_2956 IMG_2960 IMG_2964 IMG_2973 IMG_2983 IMG_2986 IMG_2991 IMG_3025 IMG_3135 IMG_3155 IMG_3161 IMG_3162 IMG_3171 IMG_3178 IMG_3197 IMG_3201 IMG_3211 IMG_3222 IMG_3226 IMG_3238 IMG_3243 IMG_3247 IMG_3251 IMG_3261 IMG_3269 IMG_3280 IMG_3308 IMG_3327 IMG_3333 IMG_3370 IMG_3392 IMG_3396 IMG_3423 IMG_3425 IMG_3432 IMG_3471 IMG_3483 IMG_3490 IMG_3499 IMG_3515 IMG_3623 IMG_3684 IMG_3711 IMG_3726 IMG_3734 IMG_3740 IMG_3789 IMG_3806 Safarki Bosaso

Previous Post

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Muqdisho Ka Furay Kulanka Daahfurka Himilooyinka Horumarka Waara

Next Post

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO

Next Post
Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo ka qayb qalay xeritaanka tartan loo qabtay ardayda City University.SAWIRRO

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In