Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 January 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu si weyn uga mahadceliyey doorka weyn ee dowladda iyo shacabka Turkiga ka geysanayaan gargaarka iyo horumarinta Soomaaliya, isagoo sidoo kalena qirey sida Turkiga ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya , xitaa xilliyada ay khatarta jirto.

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dib dalka Soomaaliya ugu soo dhoweeyo Madaxweyne Erdoğan . Saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya waa mid qoto dheer, laga soo bilaabo qarnigii 16aad, xilligaas oo uu jirey xiriir ka dhexeeya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saldanadii Adel ee Soomaaliya.

“Maantadan la joogo, dowladda Turkiga waxa ay si cabsi la’aan ah u muujineysey sida ay uga go’an tahay taageerada horumar Soomaalia ay iska leedahay oo dalkeena laga hirgeliyo. Turkiga ma sugin in xaaladda ay isbedesho ama soo hagaagto si ay maalgashi u sameeyaan, balse maalgashigooda waxaa uu gacan ka geystey in la abuuro xaalado wanaagsan keenaya xasilooni iyo kobac dhaqaale. Saaxiibtinimada iyo taageerada Turkiga u muujisey Soomaaliya waa arin abid si weyn loo xusi doono,’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Dowladda Turkiga, oo kaashaneysa Dowladdda Federaalka Soomaaliya, waxay Soomaaliya ka bilaabeen mashaariix horumarineed oo kala duwan iyo kuwo la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha. Mashaariicdaas waxay isugu jiraan kuwa caafimaadka, daryeelka nadaafadda, dhismaha isbitaallada, dhismaha wadddooyinka iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Caddde. Waxaa iyana dib loo dhisey masaajiddo horey ugu burburey dagaalkii sokeeye, waqtigan la joogana waxaa jira Soomaali badan oo wax ku barata Turkiga.

Maanta, Madaxweyne Maxamuud iyo Madaxweyne Erdoğan waxay fureen terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Xarunta Isbitalka Waxbarashada Caafimaadka iyo Cilmibaarista. Wadahadalada labada dhinac maanta Muqdisho ku dhexmarey ayaa diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada. Waxaa labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo taabanaya dhinacyada iskaashiga milateriga iyo amniga, dhanka dhalinyarada iyo cayaaraha, gaadiidka baddda, taageerada booliska iyo iskaashi cusub oo dhexmara Raadiyaha iyo Televshishanka Qaranka ee Turkiga iyo Televishanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

“Waxan Turkiga uga mahadcelinayaa gacanta ay inaga siineyso dhinacyada dhaqaalaha, militariga, arrrimaha bulshada, iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo gargaarka aadamiga. Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayay u hayaan saaxiibtinimada kala dhexeeya Turkiga, waxaana rajeynayaa inuu sii xoogeysto xiriirka labadeena dal,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAMMAAD

10931414_10152984635945295_7975974228945589061_n

10942604_800165660037442_8854196586608970803_n

10947189_10152984633945295_5011556632383929463_n

10947210_10152984635385295_7243435361852656690_n

image-3b497b1b8fd8e117210f684352da132a11677aa895de669dd2943e38c2a8d3b8-V

image-16106eaf9ac61d3385f3006369a8eb8e512324bcee0028a2980a48d27c2efb1e-V

image-bb0098d67e7beead03fa68612fbd4ba2d4ecd472543feaeb708259b5070a857b-V

image-bf455141caedf0c3f33e3a0536ef25dd4cc571aa59a41993feaa70f902815f24-V

image-e610ca276efee79cc0be8786d657d49468d3dc38325ba0b0c34262e49778fa48-V

image-f400a0a5907a263ee6ee5dcbef944a32eb000b7cf800876b7e16354cb7091a9c-V

Previous Post

Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho soo gaarey, mashaariicna furey “SAWIRRO”

Next Post

Marwo Qamar Cali Cumar oo la kulantay dhigeeda Emine Erdoğan “SAWIRRO”

Next Post
Marwo Qamar Cali Cumar oo la kulantay dhigeeda Emine Erdoğan “SAWIRRO”

Marwo Qamar Cali Cumar oo la kulantay dhigeeda Emine Erdoğan "SAWIRRO"

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In