Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maraykanka oo Sheegay inay Baaritaan Ku Samaynayaan Cidda Ka Danbaysay faafitaanka cudurka Crona Virus.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Trump oo ka hadlay xaaladda ismari waaga ah ee ka taagan Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah u sheegay inay qayb ka noqonayaan baaritaan lagu sameeyo cidda ka danbaysay in cudurka Crona Virus uu dunida ku faafo isla markaana uu laayo dad fara badan caalamka oo dhan.

Trump wuxuu sheegay in haddii Dawladda Shiinaha lagu caddeeyo inay ka danbaysay faafitaanka cudurka Crona ay tahay in tallaabo adag iyo ciqaab culus laga qaado arrintaas oo noqon doonta mid hor taalla caalamka oo dhan.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si gaar ah ugu hanjabay in Dawladda Maraykanku ay  ciqaabi doontoo Shiinaha haddii la caddeeyo inay si ula kac ah u faafisay fayraska Corona, maadaama cudurkaasi uu dhibaatadii ugu darnayd u gaystay dalka Maraykanka.

Trump ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan talaabooyinka uu Mareykanku qaadi karo haddii sida uu sheegay la caddeeyo in cudurka Covuid19 la helo cidda dunida ku faafisay kana shaqaysay inuu dunida wada gaaro.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli toddobaadkan gudihiisa uu Madaxweyne Trump joojiyay kaalmadii uu siin jiray Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku eedeeyey in urukaasi uu u janjeero dhinaca Shiinaha.

Muranka u dhexeeya Washington iyo Beijing oo ah labada Dawladood ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa soo noqnoqday, isagoo hadda gaaray meeshii ugu sarraysay iyadoo horraantii sanadkan uu Madaxweyne Trump cudurkaan ugu magac daray Viruska Shiinaha.

Previous Post

Maamulada Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo amar kasoo saaray Goobaha layskugu yimaado ee Magaalada Gaalkacyo

Next Post

Dadka u dhintay Crona Virus oo aad usoo batay Calaamka oo idil.

Next Post
Dadka u dhintay Crona Virus oo aad usoo batay Calaamka oo idil.

Dadka u dhintay Crona Virus oo aad usoo batay Calaamka oo idil.

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In