Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo ku xigeenkiisa Joe Biden ayaa booqday magaalada Orlando si uu uga qeyb qaataan baroor diiqda dadkii lagu laayay magaaladaasi, iyagoo la kulmay qaraabada dadkii halkaasi lagu laayay.
Obama ayaa ku baaqay isku duubni, waxana uu intaasi ku daray in dadkan la dilay ay noqon karaan qoyskooda, isagoo u sheegey dadkii ay wax yeellada soo gartay in ay la xanuun sanayaan oo murugtuna la qeyb sanayaan.
Omar Mateen oo ah, nin ku dhashay New York, ayaa waxa uu subixii hore ee Axaddii hore xilliga Mareykanka, weerar ku qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida, halkaas oo uu ku dilay 49 ruux islamarkaasina ku dhaawacay 53 kale.
Weerarkaasi, ayaa noqdey kii ugu xumaa taariikhda Mareykanka soo mara oo mar qura dad intaasi gaaraya uu dilo hal nin oo ku hubeysnaa qoray iyo bistoolad.