Madaxweyanaha Mareykanka Barack Obama ayaa canbaareeyay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya.
Obama ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixiso ee lagu qaaday xarunta jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya, isagoo ku tilmaamay fal argagixiso oo aad u fool xun.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday iney si dhow ula shaqeyn doonaan heyโadaha ammaanka ee dalka Kenya si looga hortago falalka argagixisada.
Wuxuu tacsi u diray eheladii iyo qarabadii iyo saaxiibadi ay ka geeriyoodeen ardaydii lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay xarunta Jaamacadda Gaarisa.