Monday, December 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Mareykanka oo hambalyo ku aaddan maalmaha xorriyadda la wadaagay Madaxweynaha JFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Mareykanka oo hambalyo ku aaddan maalmaha xorriyadda la wadaagay Madaxweynaha JFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya gaartay Dowlad dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa,” Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda”

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

“Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha” ayuu yirri Madaxweyne Biden

Mudane Biden waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya” ayuu yirri

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka waxaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal

“ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono maadaama Soomaaliya qaadan doonto mas’uuliyadda amniga wadanka ka dib bixitaanka ATMIS. Waxaa idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adingoo maamusaya maalinta qarannimada Soomaaliya”

 

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga Gobalka Banaadir ee ka shaqeynayay Todobaadkii xorriyadda

Next Post

kooxda Kubadda Cagta Heegan Oo ku guuleestay koobka maalmaha Xorriyadda 

Next Post
kooxda Kubadda Cagta Heegan Oo ku guuleestay koobka maalmaha Xorriyadda 

kooxda Kubadda Cagta Heegan Oo ku guuleestay koobka maalmaha Xorriyadda 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In