Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Marka wiilka aad adeerka u tahay ee (la tuhmay) aad daba kacdo(u dooddo), Al-Shabaab ayaad gacan siisay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed aysan u doodin dadka lagu tuhmo inay ka tirsan AL-Shabaab ee ay baaristu ku socoto.
Isagoo ka hadlay munaasabadda 15-ka May ee maalin dhallinyarada Soomaliyeed ayuu yiri “Qofka Al-Shabaab(inuu ka tirsan yahay) lagu soo eedeeyay ee xiran, waa la soo deynaa haddii wax lagu waayo isagoon dhib qabin. Dhaaf halla baaro e, fursad sii ciidammada amniga”.
Wuxuu sheegay in haddii qofkii la tuhmo uu waalidkiis ama masuuliyiin kale ay ay daba socdaan oo ay culeys saaraan hay’adaha amniga ay la micno tahay inay fursad siinayaan kooxaha nabad diidka ah ee shacabka ku dhex dhuumanaya.
“Marka wiilka aad adeerka u tahay aad daba kacdo(u dooddo), Al-Shabaab ayaad gacan siisay. Dhibaato ayay ku haysaa amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka dadka masuuliyiinta ah ee maqaamka leh ee daba socda dadka Al-Shabaab lagu eedeeyay”.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal badan ku bixinayso xoojinta iyo tayaynta hannaanka amniga iyo garsoorka dalka, si ay muwaadiniintu u helaan caddaalad kuwa dhibka wadana looga guuleysto.
“Waxaan ku dadaalaynaa inaan horumarinno habkeena garsoorka, habkeena amniga inay horumaraan, waana hormarayaan oo waa sii soconnaa, laakin dagaalku naguma simayo, dagaalka waan ku jirnaa, waa inaan ku guuleysanaa oo aan ka adkaanaa nimankaan (Al-Shabaab) ileen waan ka adagnahaye, Laakin si ay taasi u dhacdo wiilka aad adeerka u tahay ee aad daba socoto ka har”.
Madaxweynaha ayaa horay u ballan qaaday in dowladdu aysan aqbali doonin in masuliyiin dowladeed ay u doodaan sii daynta dad dambiyo lagu helay am aka tirsan kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

SAWIRRO: Xuska Maalinta15-ka May oo lagu Muqdisho lagu qabtay

Next Post
SAWIRRO: Xuska Maalinta15-ka May oo lagu Muqdisho lagu qabtay

SAWIRRO: Xuska Maalinta15-ka May oo lagu Muqdisho lagu qabtay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In