Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar Roobow, fariin gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Ahna Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS oo ku sugan dalka Muritaaniya ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Wadankaas Xaalada dalka, iyagoo ka wada hadlay Adkeynta Xiriirka labada wadan ee walaalaha Soomaaliya Iyo Mauritania.
Kulanka labada masuul waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Madaxtooyadda dalka Mauritania, Wasiirka Arrimha diinta iyo tacliinta ee Dalka Mauritania Iyo Danjiraha JFS ee dalka Aljeeriya, ahna Safiirka ma daganeyn ee dalka Mauritania, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).










