Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Addis Ababa uga qeybgalaya Shir Madaxeedkii 26-aad ee Afrika+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo Addis Ababa uga qeybgalaya Shir Madaxeedkii 26-aad ee Afrika+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha.marka la gaaro sannadka 2020.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

1 2 3 4 5 6 7 8

 

Previous Post

Dhalinyaro Reer Miya oo Al Shabaab kula dagaalay Hiiraan+Sawirro

Next Post

Ra’iisul wasaraha oo sheegay in go’aanadii ka soo baxay shirkii Muqdisho baarlamaanka la horgeyn doono

Next Post
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

Ra'iisul wasaraha oo sheegay in go'aanadii ka soo baxay shirkii Muqdisho baarlamaanka la horgeyn doono

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In