Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo amar ku bixiyay in la furo sanduuqa naafada Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabadda 1-da May “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

7

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasaaradda shaqada ku amray inay dhisaan sanduuqa naafada Qaranka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadato u gurmashada dadka aan lixaadooda dhameystirneyn.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan ka jeedinayay xuska maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da May oo shalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda shaqada ayaa ku amray mas’uuliyiinta Wasaaradda shaqada inay xoogga saaraan dhanka arrimaha bulshada, gaar ahaan inay furaan sanduuqa naafada Qaranka, si loo caawiyo.

“Dadka Naafada ah dalkan waa dalkooda, dadkooduna waa anaga, marka waa inaan bilownaa sidii aan u taageeri lahayn, Wasiir waa in la furaa sanduuqa Naafada Qaranka, si dadka Soomaaliyeed ee jooga dal iyo dibad ay uga qeyb qaataan, qofna miisaankiisa ma cusleeyo, waa inaan ka faalo qaadno mas’uuliyadooda” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay amniga waxa uu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay ka hortagaan qaraxyo ay maleegayeen maleeshiyada Al-Shabaab, loona baahanyahay in laga hortago dhalinta ay marin habaabinayaan.

Madaxweynaba waxa uu ka hadlay in beesha caalamka ay gacan ka geysato sidii mashaariic horumarineed loogu hirgelin lahaa dalka, oo fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarad

“Maanta caalamka waxaan rabnaa inaan u sheegno, si dhallinyaradeena ay tahriibka uga soo noqdaan iyo badaha ay ku dhamaanayaan, fursad shaqo ayan u baahanay, waxaan u baahanay waddooyinkii oo naloo dhiso, waxaan u baahanahay in mashruucii koronta nalga caawiyo oo bulshada ay helaan koronto raqiis ah” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan bulshadana looga baahanyahay inay iska ilowdo wixii xumaan ah ee horey u dhacay, una istaagaan sidii ay la isu garaabi lahaa oo ay bulsahda gacmaha isqabsan lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray wasiirada aanan ku shaqeyn xarumahooda inay ku deydaan wasaradaha dib u dhistay xarumahoodii,

Previous Post

Dhallinyarada oo billaabay dhismaha xarumo waxbarasho“SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In