Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo baaq ku aaddan doorashooyinka u diray shacabka Soomaaliyeed

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo baaq ku aaddan doorashooyinka u diray shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku aaddan doorashooyinka 2016-ka dhacaya u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddanku uu ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowladda inay dardar-geliyaan fulinta waajibaadkooda.

Related posts

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026

“Waxaan u mahad-naqayaa dhammaan shaqaalaha dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag, haddana aan marnaba ka daalin inay qarankooda si daacad ah ugu adeegaan. Waddanku doorashooyin ayuu dhowaan gelayaa, guddiyo iyo hay’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona. Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsanayaa inaaney siyaasadda iyo arrimahan doorashooyinka ku mashquulin, balse ay waqtigooda geliyaan dhismaha dalka iyo u adeegidda shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda farey inay ilaaliyaan hantida qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqey hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintooda uga qaataan sugidda amniga ee marxaladda kala guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee dalka.

‘’Marka laga soo tago waajibaadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan kaalin ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa odayaasha dhaqanka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sannadkan doorashada dhacaysa ay ka yara sareyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Odayaasha waxaan ugu baaqayaa inay hannaankan fududeeyaan, guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha dhanka kale dardaaran u diray guddiyada doorashada ee heer federaal, heel maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.

“Guddiyada doorashada dadban ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabka iyagoo caddaalad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Soomaaliya waajibaad ayay idin saartey, waxayna idinka sugeysaa inaad waajibaadkaasi sida ay tahay aad u gudataan. Madaxda dowlad goboleedyada, iyaguna waxan farayaa inay amniga iyo tas-hiilaadka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorashada gacan buuxda ka geystaan’’.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku ammaaney beesha caalamka doorkeeda ay ku taageerayso doorashooyinka, isagoo ka codsadey inay waqtiga ugu habboon ku soo dhameystiraan tas-hiilaadka ay horay u ballanqaadeen ee doorashooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya.

 

———————-DHAMMAAD———————

 

Previous Post

Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo qodobo muhiim ah ka hadlay-Sawirro

Next Post

Qaxwadu ama Bunka  waxay ka hortagtaa dhibaatada wadna xanuunka.

Next Post
Qaxwadu ama Bunka  waxay ka hortagtaa dhibaatada wadna xanuunka.

Qaxwadu ama Bunka  waxay ka hortagtaa dhibaatada wadna xanuunka.

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:Munaasabadda sanad guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In