Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Oo Booqday Dhismaha Safaaraddeenii Hore ee Nairobi oo Dayactir Lagu Wado- SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Oo Booqday Dhismaha Safaaraddeenii Hore ee Nairobi oo Dayactir Lagu Wado- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaalida mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay madaxweynaha,R/wasare ku xigeenka xukuumadda, wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Dhismaha safaaradda waxaa lagu wadaa dayactir, ayadoo bilaha soo socda la qorshaynayo in dib loo howl galiyo xaruntaan oo ah mid aad u ballaaran. Madaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda iyo qunsuliyadda oo ku dhex taalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay in dib u howl gelinta safaaraddan ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo dowladda Soomaaliyaba ay ku bixisay waqti badan. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dacwaddii dib loogu soo celiyay.

“Dhammaan dadkii iyo sharci-yaqaannadii ka qeyb qaatay dacwadda dib loogu soo celiyay safaaraddan waan u mahad celinayaa, safaaraddani waa hanti Soomaaliyeed,dhammaan hantida Soomaaliyeed ee maqan dib ayaa loo soo celinayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in safaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran dalka Kenya dhawaan dib loo howl gelin doono.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo xaruntii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo nin ganacsade ah oo iibsaday. Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Soomaaliya u xukuntay xaruntaan sanado ka hor.

IMG_9973 IMG_9962 IMG_9954 IMG_9950 IMG_9948 IMG_9943 IMG_9927 IMG_9921 IMG_9917 IMG_9913 IMG_9908 IMG_9906
Sawir Qaade: Xassan O. Baffo

Previous Post

120 ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay Halgan

Next Post

Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Next Post
Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In