Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Oo Booqday Dhismaha Safaaraddeenii Hore ee Nairobi oo Dayactir Lagu Wado- SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 9, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha Oo Booqday Dhismaha Safaaraddeenii Hore ee Nairobi oo Dayactir Lagu Wado- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaalida mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay madaxweynaha,R/wasare ku xigeenka xukuumadda, wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Dhismaha safaaradda waxaa lagu wadaa dayactir, ayadoo bilaha soo socda la qorshaynayo in dib loo howl galiyo xaruntaan oo ah mid aad u ballaaran. Madaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda iyo qunsuliyadda oo ku dhex taalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay in dib u howl gelinta safaaraddan ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo dowladda Soomaaliyaba ay ku bixisay waqti badan. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dacwaddii dib loogu soo celiyay.

“Dhammaan dadkii iyo sharci-yaqaannadii ka qeyb qaatay dacwadda dib loogu soo celiyay safaaraddan waan u mahad celinayaa, safaaraddani waa hanti Soomaaliyeed,dhammaan hantida Soomaaliyeed ee maqan dib ayaa loo soo celinayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in safaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran dalka Kenya dhawaan dib loo howl gelin doono.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo xaruntii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo nin ganacsade ah oo iibsaday. Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Soomaaliya u xukuntay xaruntaan sanado ka hor.

IMG_9973 IMG_9962 IMG_9954 IMG_9950 IMG_9948 IMG_9943 IMG_9927 IMG_9921 IMG_9917 IMG_9913 IMG_9908 IMG_9906
Sawir Qaade: Xassan O. Baffo

Previous Post

120 ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay Halgan

Next Post

Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Next Post
Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In