Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga”Dhageyso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga”Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee mgaaalada Muqdisho.

Salaadda kaddib madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mdune Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  boqolaal dadweynaha salaadda ka  soo qeyb-galay u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay ammuuraha amniga iyo dedaallada dowladda ee dhinaca doorashooyinka ku aaddan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha, ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummadaha Islaamka munaasabadda Ciiddul Fidriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dheeraadey ka haddalka marxaladda amni ee dalka iyo dagaalka lagula jira nabad-diidka, ayaa sheegay in shacabiga Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ilaaliyaan dadka, dalka iyo Diinta, isagoo ca,baareeyay argagixisadii weerarka ku qaaddey Masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nabi Muxamed (NNKH).

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in dowladda ay ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa kuwa diiddan jiritaanka Diinta iyo dadnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo haddal qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkaan, waxa uu sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu cabiri doono horumarka ay Soomaaliya gaartay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u dhabar adeeygaan sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen, dowladda Soomaaliyana ay wax walb u huri doonto sidii dalka xasilooni loogu soo dabaali lahaa, isagoo dalka ugu duceeyey in Alle uu gaarsiiyo horumar ka weyn midka sannadkaan la gaaray.

madaxweynaha soomaaliya xasan sheeq oo salaada ciida ka dib masjidka isbahaysiga shacabka kula hadlay

IMG_5578 IMG_5664 IMG_5699 IMG_5701 IMG_5702 IMG_5707 IMG_5719 IMG_5726 IMG_5843 IMG_5873

Previous Post

Madaxweynaha Uganda oo dhaliilay qaabka ay u howlgalaan ciidamada AMISOM

Next Post

Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Next Post
Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In