Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan ka baabi’ino Al Shabaab’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan ka baabi’ino Al Shabaab’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa cambaareeyay  weerarkii argagixisada Alshabaab ku qaadeen  hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku laayeen mas’uuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah.

War saxafadeed uu soo saaray ayuu madaxweynuhu ku yiri “  Waan cambaareyneynaa weerarkan, marnaba kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan gebi ahaanba ka baabi’inno Alshabaab”

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan eheladii ay ka geeryoodeen mas’uuliyiiintii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku geeryooday weerarkii aragagixisada Alshabaab ku qaadeen Hotel Saxafi.

Madaxweynaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku yiri” Waxaan idin xaqiijinayaa in falalkan aysan ka dhigneyn Al Shabaab oo dib madaxa ula soo kaceysa. Balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaalad quus ah oo soo wajahdey Al Shabaab, taas oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordheysa.Waxa xaqiiq ah in kala qeybsanaan weyn uu dhexdooda ku jiro. Ma ahan kuwo war u haya waxa ay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan toona, iyagoo maciin biday inay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay ku soo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka”.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in ciidammada ammaanku ay hadda si buuxda xaaladda ugu hayaan, lana sameyn doono baaritaannno qoto dheer oo la xiriira sida ay wax u dheceen iyo sida loo horumarin karo habka ay ciidammada ammaanku uga jawaab celinayaan falalka noocan oo kale ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii aragagixisadu ku laayeen weerarkii dhacay, isagoo caafimaad qab deg deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweynuhu sheegay in ammaanku yahay muhimmadda koowaad ee dowladda.

Previous Post

Wasiir Odawaa: “Guddiga farsamada waxaa si siman loogu qeybiyay dhamaan beelaha dega labada gobol”

Next Post

Daawo Sawirrada: Sida ay ciidamadu u soo badbaadiyeen dadkii degganaa hotelka Saxafi

Next Post
Daawo Sawirrada: Sida ay ciidamadu u soo badbaadiyeen dadkii degganaa hotelka Saxafi

Daawo Sawirrada: Sida ay ciidamadu u soo badbaadiyeen dadkii degganaa hotelka Saxafi

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In