Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Ciidammada Nabadsugidda ugu hambalyeeyay sannad guurada 46-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Ciidammada Nabadsugidda ugu hambalyeeyay sannad guurada 46-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo u dabaaldegayaa sannad guuradii 46-aad tan iyo markii dhidibada loo taagey.

Madaxweynaha oo xalay ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo ka dhacdey xarunta Nabadsugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxaa uu ammaan u soo jeediyay NISA iyo sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaaleen waajibaadkii loo igmadey.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

β€œHay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ammaan, bogaadin iyo wanaag ayay mudan yihiin. Waa ciidan uu waajibaad badan saaran yahay, una taagan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. Waa jirtaa in markii hore fikir khaldan laga haystey, xilligii dowladdii hore ee kacaanka, laakiin haatan dib u habeyn ayaa lagu sameeyay, waxaana mabda’iisa koowaad uu yahay dhowrista xuquuqda aadanaha iyo u adeegidda qaranka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in NISA ay door weyn ka qaataan sugidda amniga, iyagoo si buuxda ula shaqeeya qeybaha kale ee Ciidammada Qalabka Sida.

Mar uu ka hadlayey dhanka arrimaha siyaasadda, waxaa uu Madaxweynaha sheegay in fashilka ugu weyn ee sababey burburka Soomaaliya ay tahay dhanka siyaasadda.

β€œWaddankeena waxaa uu ahaa mid xooggan oo dunida inteeda kale ka tilmaaman. Laakiin siyaasad xumo awgeed ayaa burbur xooggan uu ina soo wajahay. Waxaan haysanaa fursad aan ku abuurno siyaasad saliim ah oo wax dhisaysa. Waxaa nagu habsadey dhibaato kheyrul caadi ah oo aan dunida kale ka jirin, una baahan xal u gaar ah. Wax badan ayaa inoo qabsoomey , welina waan soconaa. Waa wax laga xumaado inay jiraan kuwo dafirayaa in wax la qabtey, waxaana u arkaa kuwaasi inay yihiin kuwo aan dooneyn inay Soomaaliya horey u dhaqaaqdo’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nidaam federal ah uu dal ka qaatey, ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in xukunka iyo adeegyada aasaasiga la baahiyo.

β€œNidaamka federaalka aan qaadanay waa nagu cusub yahay, laakiin waxaan isla qireynaa inuu yahay mid dawo u noqon kara dhibaatooyinkii horey noogu habsadey. Talada dalka iyo xukunka waa mid Soomaali oo dhan ay ka dhexeyso, qof walbana wuxuu xaq u leeyahay in si dimoqraadi ah uu waddankan uga taliyo haddii la soo doorto, marka xiligiisa uu dhammaadana ay la gudboon tahay inuu kursiga baneeyo’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee amniga, si waddanku uu uga gudbo heerka dib u soo kabashada oo loo hiigsado horumar buuxda.

Madaxweynaha ayaa munaasabaddaasi awgeed waxaa uu xarigga ka jarey mashaariic ay ka mid yihiin isbitaal gaar u ah NISA.

6e882237-88ea-476a-9a3c-ad6d1a01cc85 228a363a-b372-458c-9509-635f7c43d702 2472d9f3-5143-4cc0-8e0f-55ce162c9903 7054709a-679f-420a-8f4d-025839a36d16 a5912e13-edeb-46eb-bdcc-f09718022d02

Previous Post

Madaxweynaha oo saxiixay sharciga Saxaafadda ee Baarlamaanku ansixiyay

Next Post

Guddiyada dastuurka madaxa bannaan iyo kan baarlamaanka oo dib u eegis ku sameeyay qodobbo ka mid ah Dastuurka+Sawirro

Next Post
Guddiyada dastuurka madaxa bannaan iyo kan baarlamaanka oo dib u eegis ku sameeyay qodobbo ka mid ah Dastuurka+Sawirro

Guddiyada dastuurka madaxa bannaan iyo kan baarlamaanka oo dib u eegis ku sameeyay qodobbo ka mid ah Dastuurka+Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In