Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 10, 2017
in Wararka
0
Shirka wadatashiga oo arrimo badan looga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Masโ€™uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab oo ku hadlaysay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda lagu daah furayo ololaha Nabadgelyada degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.

โ€œDhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyadaโ€ ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in gabar lix jir ah oo ku nool Puntland ay soo dhiibtay buskut oo ay ka soo iibisay lacag ay siisay hooyadeed, isagoo intaa ku daray inay jireen carruur kale toban jir ahaa kuwaasi oo gacan ka geystay gurmadka musiibadiii qaraxii 14-ka October.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.

โ€œDalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faaโ€™iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo laโ€™aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashatoโ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay.

Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto maalinta berito ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,

โ€œDalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladoodaโ€ ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

โ€œWaxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeedโ€ ayuu yiri Madaxweynaha.

โ€œWaxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataanโ€ ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka diyaaradaha Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Soomaalida Norway oo lacag u uruuriyay Waalalihii Soomaaliyeed ee Dhibku kasoo Gaaray Qaraxii Soobe

Next Post

Soomaalida Norway oo lacag u uruuriyay Waalalihii Soomaaliyeed ee Dhibku kasoo Gaaray Qaraxii Soobe

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In