Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dadweynaha kala qeygalay salaada ciidul Adxa-Sawiro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dadweynaha kala qeygalay salaada ciidul Adxa-Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal kamid ah dadweynaha reer Muqdisho waxaa uu salaadda ciidul Adxa kula dukaday Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Masjidka isbaheysiga waxaa salaadda ciida ka soo qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari), Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamulada dalka.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa oo maalinta kow ah, isagoona sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha dowladnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa markii amniga ka hadlayay waxaa uu mar kale ku celiyay booq uu u jeediyay dhalinyarada ay marin abaabiyeen ururka Al-shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fekirkaas munxarifka ah ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in ay ka waantoobaan dadka caadeystay in ay ummadda rajo la’aan dhigaan mar walba, isagoo xusay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan umadda u sheegeynin uu iska aamuso.

IMG_5573 IMG_5575 IMG_5576 IMG_5577 IMG_5579 IMG_5587 IMG_5588 IMG_5590 IMG_5593 IMG_5595 IMG_5598 IMG_5601 IMG_5602 IMG_5605 IMG_5608 IMG_5609 IMG_5612 IMG_5614

Sawir qaade: Farxaan Saleebaan

Previous Post

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ka hadlay kulan ay la qaateen odoyaasha dhaqanka ee G/Sh/dhexe iyo Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Daawo sawirrada Madaxda Qaranka iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Next Post
Daawo sawirrada Madaxda Qaranka iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Daawo sawirrada Madaxda Qaranka iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In