Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dadweynaha kala qeygalay salaada ciidul Adxa-Sawiro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dadweynaha kala qeygalay salaada ciidul Adxa-Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal kamid ah dadweynaha reer Muqdisho waxaa uu salaadda ciidul Adxa kula dukaday Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Masjidka isbaheysiga waxaa salaadda ciida ka soo qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari), Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamulada dalka.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa oo maalinta kow ah, isagoona sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha dowladnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa markii amniga ka hadlayay waxaa uu mar kale ku celiyay booq uu u jeediyay dhalinyarada ay marin abaabiyeen ururka Al-shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fekirkaas munxarifka ah ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in ay ka waantoobaan dadka caadeystay in ay ummadda rajo la’aan dhigaan mar walba, isagoo xusay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan umadda u sheegeynin uu iska aamuso.

IMG_5573 IMG_5575 IMG_5576 IMG_5577 IMG_5579 IMG_5587 IMG_5588 IMG_5590 IMG_5593 IMG_5595 IMG_5598 IMG_5601 IMG_5602 IMG_5605 IMG_5608 IMG_5609 IMG_5612 IMG_5614

Sawir qaade: Farxaan Saleebaan

Previous Post

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ka hadlay kulan ay la qaateen odoyaasha dhaqanka ee G/Sh/dhexe iyo Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post

Daawo sawirrada Madaxda Qaranka iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Next Post
Daawo sawirrada Madaxda Qaranka iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Daawo sawirrada Madaxda Qaranka iyo Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In