Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay-DHAGAYSO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Sawir Hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii socdaal shaqo uu ku tagay dalalka Jordun iyo Turkiga.

“Dalka Jordan waxaan uga qeyb galnay arrimo la xiriira amniga iyola dagaallanka kooxahan xagjirka ah ee (dhibaatada ka wada) gobolkan geeska Afrika, oo ay isugu yimaadeen madaxda gobolka…..Waxaa looga hadlay ammniga sida loo sugi karo iyo argagixisada gobolka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in waddanka Turkiga uu uga qeyb galay munaasabad taariikhi ah oo uu waddankaasi leeyahay, isagoo sidoo kale kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dalka iyo dib u dhiska waddanka.

“Waxaan kulan gaar ah la yeellanay madaxweynaha dalka Turkiga oo aad ogtihiin cilaaqaadka Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeya halka uu marayo sida loo sii xoojin lahaa, arrimaha maalgashiga dalka ku saabsan iyo arrimaha dib u dhiska dalka ku saabsan(ayaan ka wada hadalnay), arrintaasi aad ayay yididiillo u lahayd”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in horumar badan uu dalka ka jiro ayadoo dowladdu ay ku howlan tahay sugidda ammaanka oo ay ku jirto la dagaallanka Al-Shabaab iyo dhisidda dowladnimada oo ay qeyb ka tahay hirgalinta hannaanka Federaalka ah oo gobollada lagu baahinayo awoodda.

Qeybtan hoose ka dhagayso shirka jaraa’id ee madaxweynaha.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/04/codka-madax-waynaha-oo-dhamaystiran.mp3

 

Previous Post

Minnesota: Wiil Soomaali ah oo la xiray

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 24.04.2015

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Subaxnimo 24.04.2015

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In