Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo farxadda ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo farxadda ciidda la qaybsaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay siihayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka kaga sifeeyeen kooxaha argagixisada ah deegaanno hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Previous Post

R/wasaaraha XFS oo Saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan Qof Masjidka Isbahaysiga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose “Sawirro”

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose “Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In