Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 09 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir laba maalmod socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo muhimadda ay leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

“Waxaan u baahanahay inaan hoos ka soo dhisno dhaqanka dowladnimada iyo ku shaqeynta sharciga iyo kala dambeynta. Shacabkeena waxay soo mareen waayo mugdi ah oo keenay in la kala aamin baxo. Hawsha inoo taalla ma ahan mid yar, ee waa inaan u wada istaagnaa sidii aan dib kalsoonidii dadka ka dhexeysey u soo celin lahayn, dalkana aan ugu sameyn lahayn dowlad tayadeedu ay sareyso’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inay jiraan caqabado isku wada xiran oo u baahan in xal guud loo helo , isagoo tusaale u soo qaatey sida ay mar walba isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beesha caalamka ku ammaanay taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, balse loo baahan yahay in waddanka laga caawiyo waxyaabaha muhiimka ah ee dib u dhiska dedejin kara.
“Ma jiro dal dunida ka mid ah oo intuu burbur ku dhacay soo kabtey, iyadoon kaalmo caalami ah la siin. Hadaan nahay Soomaaliya waan qireynaa in wax la inoo qabtey, laakiin waxaan doonaynaa in tixgelin gaar ah nala siiyo, iyadoo loo eegayo baaxadda dhibaatada nagu dhacday iyo waqtigan la joogo oo wax badan ay is beddeleen’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana taageero qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka.

Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena xusay in qoriga caarraddiisa oo qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca amniga.

“Waxaa waajib inaga saaran yahay inaan xooogga saarno laba arrimood oo kala ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqaalaha. Dhalinyaradeeda intooda badan qoriga ayay noloshooda ka raadsadaan, ha noqdeen ciidan ama kuwo la shaqeeya kooxo fal dembiyeed wada. Waa inaan dhalinyaradeena fursad u siinnaa inay dib u dhiska dalkooda kaalin ka qaataan. Waana inaan maanka ku haynaa in mustaqbalkeena uu ku xiran yahay hadba waxa aan haatan beerano’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha sheegay in dhibaatada Soomaaliya ku habsatey inteeda badan loo aaneynayo siyaasad xumo, si taasi looga gudbana loo baahan yahay in siyaasadda waddanka ay dejiyaan dadka aqoonta u leh, ee ay ka go’an tahay inay waddankan ka saaraan marxaladda adag ee uu ku jiro.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, Wakiilka Baanka Adduunka ee Soomaaliya, Hugh Riddle, madaxda hay’adaha HESPI iyo ASAL ee soo abaabulay shirkan, Ali Issa Abdi , Raxma Axmed , mas’uuliyiin, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

 2 3 4 unnamed

 

Previous Post

Dood Cilmiyeed loogu hadlayay iska dhexgalka bulshada oo lagu qabtay Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamaanka oo loo qeybiyay miisaaniyadda sanadka 2016-ka

Next Post
Wasiirka Amniga oo maanta  Horimaandoona Barlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka oo loo qeybiyay miisaaniyadda sanadka 2016-ka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In