Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo loo qeybiyay miisaaniyadda sanadka 2016-ka

December 9, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo maanta  Horimaandoona Barlamaanka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa loo qeybiyay miisaaniyada sanadka 2016-ka, si ay u meelmariyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin oo Xildhibaannada Baarlamaanka u hor yimid akhrinta Miisaaniyadda dowladda sanadka 2016ka ayaa tilmaamay in Miisaaniyaddan ay ka kooban tahay dakhli iyo deeq. isla markaana xaga isticmaalka kharashka aanay waxba ka duwaneyn sanadkii hore ee 2015 Miisaaniyaddii ay dowladdu isticmaashay.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Guddoomiye ku-xigaanka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdala Cawad ayaa Xildhibaanada u sheegay in guddiga miisaaniyadda loo gudbin doono warbixinta ay soo gudbiyeen Wasaaradda maalliyadda, waxaana uu intaa ku daray in Mudanayaashu aysan xilligan ka dooni doonin, balse loo gudbin doono guddiga maalliyada ee baarlamaanka si ay wax ka badal ugu soo sameeyaan, ayna dib ugu soo celiyaan baarlamaanka.

Dhinaca kale Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku guda galay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Sharciga been Xalaaleynta lacagaha iyo maalgelinta argagixisada.

Guddoomiyaha Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh ayaa baarlamaanka u sharxay faa’iidada uu sharciga u leeyahay.

Inkasta oo Baarlaamanka maanta loo qeybiyay miisaaniyadda ay dowladda isticmaali doonto sanadka 2016-ka, si ay u ansixiyaan, waxaana sidoo kale mudanayaasha loo qeybiyay xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo furay shir ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka difaaca oo ka hadlay horjooge ajnabi ah oo isu soo dhiibay ciidanka XDS

Next Post
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Wasiirka difaaca oo ka hadlay horjooge ajnabi ah oo isu soo dhiibay ciidanka XDS

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In