Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka difaaca oo ka hadlay horjooge ajnabi ah oo isu soo dhiibay ciidanka XDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay Warbaahinta ku faah faahiyay in nin u dhashay dalka Mareykanka, kana tirsanaa argagixisada Al-Shabaab uu u isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ajnabigan isu soo dhiibay gacanta ciidamada dowladda ayaa lagu magacaabaaa Cabdimaalik John, kaasi oo ka mid ahaa horjoogayaasha sar sare e Al-Shabaab oo muddo afar sano ah uu la joogay kooxdaasi.

Related posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay ciidanka xoogga dalka ee badbaadiyay ajnabiga isu soo dhiibay, waxaana uu xusay in dadka kale ee ay qaldeen Shabaabku heystaan fursad ay gacanta dowladda isugu soo dhiibi karaan.

“6-da bishan ayuu ciidamada isu soo dhiibay, waxa uu ka yimid dalka Mareykanka, muddo afar sano ayuu Shabaabka ka tirsanaa, waxa uu sheegtay in uu ka qeyb galay weeraro kooxaha Shabaabku ay ka fuliyeen dalka, waxaana la keenay Muqdisho”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shabaabku ay ku kala qeybsadeen fikirka xagjirka ah ee ay ku doonayeen inay ku marin habaabiyaan bulshada, ayna iminka kala sheegtaan inay u kala qeyb sameen ISIS iyo Al-qaacidda, waxaana uu baaq u diray dhallinyarada ay marin habaabiyeen in ay isaga baxaan fikirka qaldan ee ay dadka ku marin habaabinayaan.

“Dowladda waxa ay soo dhaweyneysa qofkasta oo ka waantooba fikirka qaldan ee dhagar qabayaasha Al-Shabaab, marka waxaan ugu baaqayaa inay markale ka faa’iideystaan cafiska ah inay isaga soo tegaan kooxda Shabaab, oo ay ka tanaasulaan dhibaateynta shacabkooda” ayuu yiri Wasiir Diini.

 

Previous Post

Baarlamaanka oo loo qeybiyay miisaaniyadda sanadka 2016-ka

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In