Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

M.weyne Xasan Sheekh Oo Furey Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka -Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
M.weyne Xasan Sheekh Oo Furey Kalfadhiga 7-aad Ee Baarlamaanka -Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflada furitaan kalfdhiga todobaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka oo uu maanta so rasmi ah u furey madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goob jooga ka ahaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka , Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay golaha shacabka 6 dii kalfadhi ee la soo dhaafay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadiisa dastuuriga aheyd ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7 aad ee golaha shacabka ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha badan oo xaaladda dalka quseysa.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Baarlamaanka waxaa uu ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhigan, waxaana uu sheegay in lixdii kalfadhi ee Baarlamaanka ay ahaayeen kuwo taariikhi ah maadaama qeyb  weyn ka qaateen dowlada dhisidda Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in wax badan u qabsoomeen mudadii la soo dhaafay golaha shacabka isla markaana wax badan oo ay aheyd in ay qabtaana ka gaabiyeen.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyay marxaladaha kala duwan dalka uu marayo, isagoo carabka ku dhuftay kaalmada caalamka uu siiyo Soomaaliya.

“ Caalamku aad ayuu noo taageeray waana ugu mahadcelinaynaa wax badan ayayna na tartay,laakiin waxaad ogaataan caalamku siyaasadda in aan ka heshiino oo aan isku mid ka noqono naguma taageeri karo anaga ayaa nalaga doonayaa taasi” ayuu yiri madaxweynaha.

Khudbada madaxweynaha iyo guud ahaan xafladda furitaanka oo si toos ah looga daawanayay Telefishinka qaranka ayaa waxaa uu madaxweynuhu ka hadlay shirkii dhowaan magaalada Muqdisho lagu soo gababeeyay iyo qaabkii ay ku sameysantay madasha wadatashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo hadlay qaatay sharciyo aad ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya uu hadda horyaala Baarlamaanka waxaana kamid ah sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo sharciga maalgashiga caalamiga ah kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwo dalka wax badan uga xiran yihiin la’aantooda.

“Waxaaan Baarlamaanka ka codsanayaa in ay dadejiyaan shuruucda oo ay shaqeeyaan habeen,maalin iyo Jimco so howsha loo dardargeliyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaatay xirirka caalamka ay Soomaaliya la leedahay kaas oo uu ku tilmaamay mid aad u soo hagaagaya maalinba maalinta ka dambeysa.

Waxaa uu madaxweynaha intaas ku daray in dhowaan magaalada Barasalis lagu soo gabagebeeyay shir looga hadlayay caawinta qaxootiga Soomaaliya sidii dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen, waxaana sidoo kale dhowaan la qaban doonaa shir looga hadlayo kor u qaadista adeegyada bulshada ee Soomaliya isla markaana uu xigi doono shir kale oo ku saabsan maalgashiga Soomaaliya.

IB0A6102 IB0A6122 IB0A6123 IB0A6127 IB0A6132 IB0A6134  IB0A6156 IB0A6165 IB0A6167 IB0A6170 IB0A6171 IB0A6173 IB0A6174 IB0A6192 IB0A6193 IB0A6194 IB0A6200  IB0A6213 IB0A6225 IB0A6229 IB0A6236 IB0A6242 IB0A6244 IB0A6255 IB0A6260 IB0A6286 IB0A6289 IB0A6291 IB0A6292

Sawir Qaade: Ilyaas

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

126 Arday oo bartay xirfado ay ku shaqeystaan oo shaahaadooyin Gaalkacyo lagu gudoonsiiyay “Sawirro”

Next Post
126 Arday oo bartay xirfado ay ku shaqeystaan oo shaahaadooyin Gaalkacyo lagu gudoonsiiyay “Sawirro”

126 Arday oo bartay xirfado ay ku shaqeystaan oo shaahaadooyin Gaalkacyo lagu gudoonsiiyay “Sawirro”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In