Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Golaha Ammaanka u xaqiijiyey in doorashada Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu talagaley

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Golaha Ammaanka u xaqiijiyey in doorashada Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu talagaley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 19 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xaqiijiyey in doorashooyinka Soomaaliya ay dhici doonaan xilliga loogu talagaley oo ah bisha August ee sannadkan 2016-ka.
Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho oo uu kula kulmey danjireyaasha waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo maanta dalka booqasho ku yimid.

Wafdiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u kuurgalaya hawlaha qabanqaabada doorashada dalka ka dhacaysa iyo tas-hiilaadka ay Dowladda Federaalka u baahan doonto si hawshaasi looga mira dhaliyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ogsoon yahay in waqtiga inoo haray uu yar yahay, balse heshiiskii madasha ee bishii hore la gaarey uu dhigayey in Baarlamaanka uu meel mariyo, sidaa darteedna uu filayo in mudaneyaasha Baarlamaanka ay arrintaasi fududeyn doonaan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaarney uu mira dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba ay iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha ku booriyay shacabka inay muujiyaan kalsooni iyo dulqaad.

“Waxaan khasab ah in Soomaalida ay ka xorroobaan fikirka ku saleysan isku tanaasul la’aanta, kaas oo dhalinaya is aamin la’aan dhexdeena ah. Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan mashaakilaadkeena xal caadil ah ugu heli lahayn’’, ayuu raaciyay Madaxweynaha.

Waxaa u Madaxweyne Xasan Sheekh intaa ku darey in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay gacan ka geystaan sidii loo diyaarin lahaa barnaamij lagu soo afjarayo hawlgalka Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, tallaabadaasina ay ku xirnaan doonto in si hufan loo dhammeystiro dhismaha iyo isku dhafka ciidanka Soomaaliya.

Waxaa uu Madaxweynaha hadalkiisa ku soo gabagabeeyay codsi uu u diray Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka oo ah in la maalgeliyo barnaamijka doorashada iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed la baro xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan.

Ergada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jirey ugu baaqey inaan la dayacin fursadda taariiikhiga ah ee dalka doorashooyin ay uga dhacayaan, lagana fogaado in waqtiga uu ka lumo, maadaama muddada harsan ay aad u yar tahay.

Waxaa Golaha uu sidoo kale soo dhoweeyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dimoqraadiyeynta iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kulanka uu la yeeshay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Ka hor kulanka xubnaha Golaha Ammaanka, waxaa uu Madaxweynaha khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku booriyay inay dedejiyaan ansixinta hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.

——————–DHAMMAAD–———————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

Previous Post

Mas’uuliyiinta dowladda oo kulan la yeelanaya golaha ammaanka ee maanta soo gaaray Muqdisho-Sawirro

Next Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir uga qeybgalaya dalka Zambia+Sawirro

Next Post
Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir uga qeybgalaya dalka Zambia+Sawirro

Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir uga qeybgalaya dalka Zambia+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In